22nd June 2018

Juregn Klopp oo Doonayaa markaan Ousmane Dembele?

By on 10th June 2018 0 5 Views

Laacibka faransiiska ah ee Ousmane Dembele ayaa lala xiriirinayaa kooxda Liverpool tan iyo markii uu furmay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda horyaalka Prmier League-ga.

Dembele ayaa xilli ciyaareed adag ku qaatay kooxda Barcelona tan iyo markii uu xagaagii hore kaga soo biiray kooxda Borussia Dortmund.

Jurgen Klopp ayaa xiiseynaya laacibka garabak ka ciyaara, waxa uuna doonayaa inuu xagaagan kusoo biiriyo safkiisa weerarka.

Macallinkii hore ee BVB ayaa doonaya inuu qaab amaah ah kaga soo qaato xiddiggan kooxda Barcelona oo iyadana dooneysa inay iska iibiso haddii ay ka hesho lacag u dhow middii ay kaga soo qaateen kooxda Borussia Dortmund oo ahayd £135m.

Dhaawacyo is xigxiga oo kasoo gaaray muruqa iyo kursiga keydka ee Camp Nou ayaa u diiday inuu xiddiggan kasoo dhalaalo safka koowaad ee Barca, waxaana uu door bidayaa 20-jirkan inuu helo koox uu si joogto ah ugu ciyaaro.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *