22nd June 2018
  • Home
  • Box Office
  • Macallinka kooxda Arsenal o la soo saxiixdo 29-sano jir khad dhexe ah

Macallinka kooxda Arsenal o la soo saxiixdo 29-sano jir khad dhexe ah

By on 10th June 2018 0 4 Views

Macallinka kooxda kubadda cagta Arsenal ee Unai Emery ayaa la soo warinayaa inuu doonayo inuu la soo saxiixdo laacibka khadka dhexe ee Sevilla Steven N’Zonzi, xagaagan.

Emery kaasoo kooxda Sevilla soo hogaamiyey markaasoo horyaalka La Liga ay kooxdu keentay N’Zonzi xagaagii 2015-kii.

 

29-sano jirkaan ayaa la soo baxay awood xoojin ah oo uu ku joogo Estadio Ramon, sida laga soo xigtay Wargeyska Estadio Deportivo, Kooxda Arsenal ayaa ka fikireysa inay u dhaqaaqdo xiddiga Faransiiska ah ee heshiiskiisa lagu burburin karo 35 milyan oo gini.

N’Zonzi, kaasoo ka mid ah xiddigaha xulka qaranka Faransiiska ee sanadkan 2018 uga qeyb galaya Koobka Adduunka ayaa qibrad fiican u leh ka ciyaaridda horyaalka Premier League isagoo kubadda cagta England u soo ciyaaraha kooxaha Blackburn Rovers iyo Stoke City.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *