22nd June 2018
  • Home
  • Politics
  • waxaana dhibka la iiga soo Maleegay Madrid.”.-

waxaana dhibka la iiga soo Maleegay Madrid.”.-

By on 10th June 2018 0 123 Views

Lionel Messi ayaa ka sheekeeyay dhibaatada uu wajahay isaga iyo reerkiisa markii lagu heystay dacwada Canshuuraadka oo uu sheegay inay ahayd sheeko laga soo abaabulay Madrid.

Xiddiga reer Argentina ayaa lagu xukumay 21 bilood oo xabis ah inkastoo sharciga Spain uu qabo in wixii labo sano ka yar isla markaana uu yahay kiiskii ugu horreeyay oo aan qas ahayn aad ka hor tagi karto in xabsiga lagu dhigo.

21-bilood kaddib, ganaaxa Messi ayaa la dhimay waxaana lagu xukumay ganaax lacageed dhan 223,000 oo bound.

Messi oo ka sheekeynaya dhibaatada uu maray inta ay dacwadaasi socotay ayaa yiri.

“Waxaa isoo maray xiliyo aan ku ooyi jiray Barcelona . Waa wax caadi ah inay tani dhacdo sanado kaddib.

 

“Waad dhibtooneysaa, sanadkii arrinka canshuurtana mid adag ayuu ahaa.

“Heer niyad jab ma gaarin, balse sida ay ii weerareen, sida ay u wariyeen waxyaabaha igu saabsan, aabahey iyo dadka igu dhow dhow, mid aad u adag ayay ahayd waxaana dareemay in aad la ii weeraray.

Ronaldo ayaa waqti xaadirkan maraya dhibaato taa la mid ah, waxyaabaha ugu badan uu ka cabanayana waa in Real Madrid aysan u dhabar is taagin una ilaalin sidii ay Messi u caawisay Barcelona oo kale.

Messi oo ka hadalaya sida ay Barca u dhabar istaagtay markii uu dhibka ku jiray ayaa yiri:

Nasiib ayaan lahaa.

“Waxaan heystay taageerada Dadkeyga Barcelona, Catalonia waxana tani iga caawisay inaan dareemo nasiino.

Messi ayaa ugu dambeyn sheegay in dhibkii uu soo maray laga soo abaabulay Madrid isagoona yiri:

“Waxaan aaminsanahay in amarkii la igu soo weeraray waqtigii adkaa aan soo marnay inuu ka yimid Madrid.

“Waan ogaa inay sidaa tahay wayna i dhaawacday.”.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *